Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo la kulmay madaxwaynaha Rwanda

618

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, waxaana ay ka wada hadleen Arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa Abiy Ahmed ku ammaanay dadaalka uu dalkiisa ku horumarinaayo iyo Isbedallada cusub ee Itoobiya ay wajahday.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ballaarin doonto iskaashiga ay la leedahay dalalka Afrika, gaar ahaan Rwanda.

Labadda Hoggaamiye ayaa ku kulmay dalka Shiinaha, halkaasi oo uu ka socda Shirka Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

SHARE