Wararka laga helayo magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn, uu is casilay.
Hailemariam Desalegn, Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya waxaa uu iska casilay xilka Ra’iisul-wasaaranimo iyo midka Guddoomiyanimo xisbiga talada haya ee EPRDF.
Wixii kusoo kordha iscasillaadda Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya goor dhow ayaan idin soo gudbin doonaa.