Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo gaaray dalka Eritrea

653

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Madaxweynaha Eritrea Asais Afwerki ayaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Abiy iyo wafdigiisa garoonka caalamiga ah Asmara.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Abiy oo laba maalin ah ayaa waxa uu wadahalo la yeelan doonaa madaxweyne Afwerki iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Eritrea iyadoo la filayo in ay ka wadahadlaan arrima amniga, xoojinta xiriirka laba geesoodka ee dalka iyo Iskaashiga gobolka.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa sanadkii hore heshiis nabadeed kala saxiixday iyagoo soo afjaray coladii dhawrka sanadood ka dhex taagnayd, sidoo kalena dib u soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal.