Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo dhiggiisa Suudaan kula kulmay Khartuum

635
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Ra'iisul Wasaaraha Suudaan Abdela Hamdok. Sawirka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa magalaada Khartoum ee dalka Suudan kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abdela Hamdok.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Abiy ee Suudaan ku soo aaday sanad guuradii ka soo wareegtay sanad kaddib markii la saxiixay heshiiskii uu garwadeenka ka ahaa ee dastuuriga ahaa ee lagu dhisay dowladda ku meel gaar ah ee Suudaan.

Intii lagu jiray wadahadallada laba geesoodka ah, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ugu hambalyeeyay dowladda Suudaan horumarkii laga gaarey ilaa iyo xilligaas iyo wada hadalada siyaasadeed ee socda. Xiriirka toobiya iyo Suudaan, waxa uu iftiimiyey iskaashiga labada dal uu u dhaxeeyo isla markaana uu ku qotomo xiriir taariikhi ah oo istaraatiijiyadeed.

Wuxuu ku celiyay, “waxaan nahay hal dad, hal qoys”, isagoo ku nuux nuuxsaday in wixii arrimo ah, oo ay kujiraan arrinta GERD iyo xuduudaha, in sifiican looga doodi karo iyadoo loo marayo wadahalada nabadeed.

Ra’iisul wasaare Abdela Hamdok dhankiisa, wuxuu carrabka ku adkeeyay dabeecada dhameystirka labada dowladood taas oo ku qasbeysa in ay kawada shaqeeyaan wixii dan u ah labada dhinac. Iyada oo la xoojinayo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, dhaqaalaha Ethiopia iyo Suudaan waxa uu horseedi karaa horumarka Geeska Afrika iyo Afrika, ayuu yiri.

Labada dhinacba waxay xaqiijiyeen midnimo midba midka kale dadaalkiisa waxayna ku heshiiyeen in ay ku xalliyaan wixii arrimo ah iyada oo loo marayo wadahadal iyo wadaxaajood sii socda.