Wararka deg dega ah ee laga helayo magaalada Qaza, ee dhulka Falastiiniinta ayaa waxaa ay sheegayaan in duleedka magaaladaasi laga maqlay Qarax xoogan.
Television-ka Aljazeera, ayaa baahiyay warkaasi, waxaana ay Ku waramaysaa in qaraxaasi uu yahay mid lala beegsaday Koloyo gaadiid ah oo uu la socday ra’iisul wasaaraha Falastiiniinta Rami Hamdallah.
Illaa iyo Hadda lama sheegin wax qasaaro ah ama dhaawac soo gaaray ra’iisul wasaaraha Falastiiniinta Rami Hamdallah, hase ahaatee waxaa la sheegay in tiro dad ah ay dhaawacyo soo gaareen.
Ra’iisul wasaaraha ayaa La sheegay in uu magaalada Qaza uu kaga qayb gali lahaa xaflad lagu furayo mashruux biyo oo laga fuliyay magaalada Qaza.