Ra’iisul Wasaaraha cusub oo xilka la wareegay

101
Ra'iisul Wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble oo xilka la wareegay.

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilka xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha si ramsi ah ula wareegay.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo 23kii bishaan September ay codka kalsoonida siiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ku wareejiyay sii-haya xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed oo xilkaas ku sime ka ahaa tan iyo markii Ra’iisul Wasaarihii Xasan Cali Kheyre hore xilka laga qaaday.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa ka qeybgalay xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu soo dhisayo Gole wasiirro oo tayo leh.

Waxa uu sheegay sidoo kale inuu hormariyo nabada, iskaashiga iyo deris wanaaga Gobolka iyo aduunkaba.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa horyaalla arrimo muhiim ah oo ay ugu horreyso soo dhisada Xukuumadda cusub iyo maareynta xaaladaha kala guurka ee Doorashooyinka dalka.

SHARE