Ra’iisul Wasaaraha cusub oo la kulmay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

80
Ra'iisul Wasaaraha cusub oo la kulmay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sawirka/Facebook

Muqdisho – Ra’iisal wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wadda kulamo gaar gaar ah iyo watashiyo uu la yeelanayo hogaamiyaasha xisbiyada Mucaaradka iyo dadka aadka siyaasadda ugu lugta leh sida siyaasiyiinta.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa maanta Xafiiskiisa Villa Somalia kula kulmay hoggamiyaha mucaaradka xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in kulan saacado socday uu la qataay Ra’iisul Wasaaraha cusub iyagoo ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo horyaalla sida Doorashooyinka.

“Kulan saacado qaatay ayaan maanta wada yeelannay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Kulanka oo uu Raysalwasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa. Waxaan si gooni ah diiradda u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso doorashada oo xilligeeda ku dhacda si caddaalad iyo sinnaan lehna u dhacda”. Ayuu ku soo qoray bartiisa Facebook.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa waddada watashiyo ku saabsan sidoo kale dhismaha Xukuumaddiisa iyo sidoo loo gaari lahaa yoolka ah hirgelinta Doorasho heshiis lagu wada yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

Ra’iisul wasaare Rooble oo 18kii bishaan September Madaxweyne Farmaajo magacaabay ayaa shalay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen iyadoo isla xarunta Baarlamaanka lagu dhaariyay.

Ra’iisul Wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble ayaa beddelaya Xasan Cali Kheyre oo 25kii Lulyo Guddoonka Baarlamaanku sheegeen in codkii kalsoonida ay kala laabteen.

SHARE