Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Waxaa kusoo dhaweeyay Magaalada Jigjiga Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.
Mr Abiy ayaa kulamo hadda halkaasi kula leh madaxda gobolka, waxaan sidoo kale uu khubad u jeediyay shacabka.
Dad Ku sugan magaalada Jigjiga oo ka mid ahaa dadka ra’iisul wasaaraha cusub soo dhoweeyay ayaa BBC-da laanta Afka Soomaaliya sheegay in dad Wayne ra’iisul wasaaraha soo dhowaynayay ay saf dheer oo masaafo 3 Kilo miitir ah ay taagnaayeen.
Raysal wasaare Abiy oo ay wehliyan madax ka socota dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa sidoo kale lagu wadaa inay la kulmaan odoyaal dhaqameedyada Soomaalida, si ay uga wadahadlaan xasiiloonida, amniga iyo sidii loo xalin lahaa isku dhacyada u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.
Dr Abiy Axmed Cali, ayaa loo doortay raysal wasaaraha dalka Itoobiya, kadib markii uu iscasilay raysal wasaarihi hore Haile Mariam desalegn oo culeys badan kala kulmayay dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda oo sanadihii dambe ka dhacayay dalka Itoobiya.
Mr Abiy Axmed, ayaa tan iyo intii xilka loo dhaariyay waxaa sheegaa in uu wax ka qabtay qayb ka mid ah caburinta dadka reer Itoobiya lagu haayay.
Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa amray in internet ka dadka loo sii daayo kaasi oo dalka ka xirnaa muddo 4 bilood ah.
Waxaa sidoo kale la sheegay in uu amray in la xiro Xabsi la sheegay in dadka lagu jir dili jirtay.