Ra’iisal wasaaraha shuuciga ah ee cusub ee dalka Spain, Pedro Sanchez ayaa maanta waxaa xilka ra’iisal wasaarenimada u dhaariyay boqorka dalkaasi boqor Felibe.
Xafladda calaama saarkiisa waxaa ka soo qeyb galay ninkii isaga xilkaasi kaga horreeyay ee uu shalay oo jimca ahayd uu xilka ka tuuray Mariano Raahooy.
Hoggaamiyahan cusub ee shuuciga ahi ayaa waxa uu ku dhaartay in uu ilaalinayo sharciga balse markii ugu horreysay taariikhda casriga ah ee dalkaasi ayaa hogaamiye waxa uu dhaartay isaga oo aan gacanta ku hayn Bible iyo mucatab midna, maadaama Sanchez uu yahay mulxid.
Pedro Sanchez ayaa qorsheynaya in xilkaasi loo dhaariyay uu sii hayo laba sano ee soo socota balse xisbigiisa ayaa afar meelood hal meel waxa uu ku leeyahay baarlamaanka dalkaasi.
Pedro ayaa ku guuleystay in kasbado lix xisbi oo kale six ilka looga tuuro Mr Rajoy.
Waa qof noocee ah Pedro Sanchez?
Pedro Sánchez waxa uu xisbiga shuuciga ah ku biiray sanaddi 2014.
Waxa uu bartay maadada dhaqaalaha. Waxaa uu sidoo kale ahaa cayaaryan hore ee kubadda kolayga.
Waxa uu ku guulaystay in uu mideeyo xisbigiisa oo ay ka jirtay kala qeybsanaan baahsan.
Waxa uu guul darro kala kulmay doorashooyinkii dhacay 2015 iyo 2016. Waxaa lagu khasbay in uu is casilo kadib markii uu diiday in uu taageero Mariano Rajoy
Bilooyin kadib waxa uu ku wareeray dhaleecayn badan uu la kulmay intii uu ku guda jiray dib u dhiska xisbiga shuuciga ah.
Sharciga Spain ayaa dhigaya xisbiga soo gudbiya mooshinka kalsooni kala laabashada ah uu talada kala wareego Ra’isal-wasaaraha xilka laga tuuray haddii ay taageeraan inta badan baarlamaanka.
Sidaa darteed ayuu afartan iyo lix jirkaan ka soo jeedo Madrid uu haatan u noqday ra’isal-wasaaraha Spain, inkastoo xisbigaan uu xildhibaanada ku leeyahay baarlamanka ay ka yar yihiin rubuc.
Pedro Sánchez promete ante el Rey su cargo como Presidente del Gobierno https://t.co/7Xn03KIQsk pic.twitter.com/EprpAuT7cP
— Casa de S.M. el Rey (@CasaReal) June 2, 2018