Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Adel Abdul Mahdi ayaa u gudbiyey iscasilaadiisa baarlamaanka iyadoo ay sii socdaan mudaaharaadyada looga soo horjeedo dowladda ee ka socda magaalada Baghdad iyo koonfurta Ciraaq.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa jimcihii shaaciyey inuu iscasilayo iyada oo cadaadis sii kordhaya maalin uun kadib markii ciidamada amniga ay dileen in ka badan 40 dibadbaxayaal ah.
Is casilaada rasmiga ah ayaa timid kadib kulan deg deg ah oo golaha wasiirada ay yeesheen Sabtidii, kaas oo wasiiradu ay ku ansixiyeen dukumintiga iyo is casilaada shaqaalihii muhiimka ahaa, oo uu ku jiro Agaasimaha xaafiiska Ra’iisul Wasaare Abdul Mahdi.
Barlamaanka Ciraaq ayaa loo qorsheeyay in ay kulmaan maalinta Axadda halkaas oo sharci Xildhibaannadda ay u codayn doonaan bal in uu aqbalayo is casilaada Abdul Mahdi.
Ku dhawaaqida ayaa sidoo kale timid kadib markii hogaamiyaha Shiicada ee Ciraaq uu ka laabtay taageerada uu u hayo dowlada khudbad todobaadle ah oo jimcihii jeediyay.
Khudbad uu horay u duubay, Abdul Mahdi wuxuu sheegay in haddii baarlamaanku aqbalo iscasilaadiisa, golaha wasiirada in la kala diri doono dowlad ku meel gaar ahna loo dhiibo xukun, awood uma laha inuu meel mariyo sharciyo cusub go’aanna ka gaaro.