Labada xisbi ee hoggaaminaya baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa weydiistay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Haider al-Abadi inuu is casilo taasi oo ku saabsan rabshadihii ka dhacay magaalada Koonfurta ee Basra, halkaasi oo ay sii kordheen rabashadaha inta uu socday dibadbaxyo looga cabanayay adeega dadweynaha.
Rabshadaha ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 12 qof iyadoo sidoo kalena la gubay qunsuliyada dalka Iran ee halkaasi ku taalla iyo garoonka diyaaradaha magaaladasi oo madaafiic lagu garaacay.
kulankii degdeg ahaa oo ay shalay oo sabti ah yeesheen, xisbiga isbaheysiga Sairoon ee uu hoggaamiyo waddaadka shiicada ee caanka ah Muqtada al-Sadr, kaasi oo ku guulaystay inta badan kuraasta baarlamaanka ee doorshadii dhacday bishii May ee sanadkaan, ayaa ugu baaqay in ay iscasisho dowladda Ra’iisul Wasaare al-Abadi.
” Dowladda waxaan ka dalbanaynaa in ay dadka raali geliso ayna si degdeg ah isku casisho,” ayuu yiri Hassan al-Aqouli, oo ah afhaayeenka Muqtada al-Sadr.
Ahmed al-Assadi, afhayeenka xisbiga kale ee ugu wayn ee Isbaheysiga Fateh, ayaa sidoo kale cambareeyay dowladda ” isagoo sheegay in ay ku guuldareysatay in ay xaliso rabshadaha ka taagan magaalada Basra”.
Ra’iisul Wasaare, al-Abadi ayaa ku tilmaamay qalalaasaha ka socda Basra in ay salka ku hayaan adeega bulshada oo liita iyo shaqo la’aan ” ayna tahay dib u dhac siyaasadeed ” waxa uuna sheegay in xaalada ay sii huriyeen arrimo salka ku haya dano siyaasadeed.
Dowladda ayaa u qoondaysay lacag dheeraad ah oo aan la caddeynin magaalada Basra, inkastoo dibad-baxayaashu sheegeen in balaayiin doollar oo maal-galin ah ay ku yaboohday dowladdu bishii July ay ku fashilmeen in ay soo baxaan.