Ra’iisul wasaaraha Britain oo caqabado cusub wajahaysa

340

Wasiirkii Britain u qaablisanaa dhinaca wada hadallada Xukuumadda UK ay kula jirto midowga Yurub ayaa iscasilay maanta. Is casilaadiisa ayaa imanayeysa maalmo uun kadib markii Theresa May ay xaqiijisay taageeradda wasiirada ee qorsheheeda ku aadan ka bixitaanka UK ee Yurub, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in taageeradaas aysan ahayn mid sidaa usii xoogbadan markii horeba.

Mr. Davis ayaa xilkaan loo magacabay sanaddii 2016, waxa uuna u xilsaarnaa wadahadaladda ka bixitaanka midowga Yurub ee UK. Waxaana la sheegaya in arrintan ay dhabar jab weyn ku tahay ra’isalwasaare Theresa May.

Sidoo kale waxaa durbadiiba is casilay Steven Baker oo ahaa ku xigeenka Mr Davis iyo wasiirad kale oo ka tirsaneyd isla wasaaradda.

Ra’iisul wasaare May ayaa maanta isku diyaarineysay in ay xildhibaanada kala hadasho isla arrintaan.

Warqadda iscasilaadisa ayuu Mr Davis ku sheegay in uusan ku qanacsanayn qaabka ay dowladda u wajeheyso ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub.

Jawaabteeda ku aadan iscasilaadda ayay Mrs May ku sheegtay in aysan ku raacsanayn qaabka ay wasiirada u sharxeen qorshaha la isku raacay maalintii jimcaha ahayd.

Waxa ay sheegtay in ay ka xuntahay is casilaadiisa balse waxa ay uga mahadcalisay shaqadii uu qabtay intii uu xilka hayay.

SHARE