Muqdisho (UM) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey 75 guuraada Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka oo ka soo wareegtay aasaaskii ururkii Gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL oo xalay lagu qabtay maagaalada Muqdisho.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka hadlay muuhida gaar ah iyo taariikhada ay u leedahay maalintaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada.
Munasaabadan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xildhiibaano ka tirsan Golaha Shacabka, wasiirro iyo marti sharaf kale.
15-ka May ayaa ku beegan 75 guuradii aasaaska urukii Gobonimo doonka ee SYL , waxaana meel badan oo dalka ah ka socda munaasabado lagu xasuyay maalintaan.