
Ra’iisal wasaaraha dalka Jordan Hani Almulki ayaa iscasilaadiisa u gudbiyay boqorka Jordan Cabdallah, kaddib markuu uu kulan la qaatay boqorka Jordan.
Iscasilaada ra’iisal wasaaraha ayaa timid markii ay dalka hareeyeen dibadbaxyo looga soo horjeedo korarka canshuurta dakhliga iyo waliba sicir barar guud oo ka jira dalka Jordan.
Dadweynaha dalka Jordan ayaa maalmahaan dhigayay dibabbaxyo ay uga cabanayaan kordhinta canshuurta dakgliga, iyaga oo boqorka waddanka ka codsaday in uu eryo ra’iisal wasaaraha dalka Hani Almulki.
Hani Almulki ayaa xilkaan qabtay sannadkii 2016ka isaga oo la sheegay in uu wax weyn ka qabtay dhaqaalaha waddanka, waloow guud ahaan gobolka uu ka jiray qalalaase siyaasadeed.
Cumar Alrazza oo ahaa wasiirkii waxbarashada ra’iisal wasaaraha hadda iscasilay ayaa badali doona Hani Almulki.