Ra’iisal wasaaraha dalka Armenia Serzh Sargsyan ayaa iscasilay, sidda ay baahisay warbaahinta dalkaasi.
Mr Sargsyan ayaa is casilay 11 maalmood kadib oo dibadbaxyo looga soo horjeedo ay ka socdeen, isaga oo lagu eedeeyay inuu xakameynayo awoodda kadib markii uu ugu yaraan 10 sano uu madaxweyne ahaa.
Mr Sargsyan ayaa Ra’iisal Wasaare loo magacaabay talaadadii la soo dhaafay kaddib laba jeer oo isku xigta oo uu madaxweyne soo noqday.