Rabshado looga soo horjeedo gubidda Kitaabka Quraanka oo ka qarxay Sweden

88
Rabshado looga soo horjeedo gubidda Kitaabka Quraanka oo ka qarxay Sweden. ( AFP)

Malmo, Sweden – Mowjado rabshado ah ayaa ka qarxay magaalada Malmo ee dalka Sweden kaddib markii u dhaqdhaqaaqe ka so horjeeda diinta Islaamka uu duubay muuqaal lagu gubayo kitaabka quraanka.

Dhacdadaas ayaa keentay in dad gaaraya 300 oo qof ay iskugu soo urureen wadada halbowlaha ah ee magaalada Malmo ee dalka Sweden. Dadkaan ayaa 7: 30 fiidnimo ee waqtiga Malmo iskugu yimid ka gadaal markii xubno ka tirsan mudigta fog eey sameeyeen falkaas ka dhanka ah Kitaabka quraanka.

Markii ay soo korortay tirada dadka careysan ayaa dab lagu shiday wadada, iyada oo sidoo kalena la gubay gawaari taas oo keentay in booliisku uu soo faragaliyo si xaaladda loo xakameeyo.

Dibadbaxayaasha iyo booliiska ayaa isku dhacay , waxaana la arkayay booliiska oo lagu tuurayo dhagaxyo iyo waxyaabo kale.

Dhawaqyada Allahu Akbar ayaa laga maqlayay muuqaalada dadka dibadbaxa sameeynaya ee ka careysan gubidda iyo xurmaddarrada kitaabka Quraanka.

SHARE