Rabshadaha kasoo cusboonaaday dalka Srilanka ee u dhaxeeya Muslimiinta iyo Budhiistaha ayaa sii socda, ka sokow xaalada degdega ah ee dalka la galiyay.
Masaajid iyo dukaan ku yaalla gobolka bartamaha ayaa weerar lagu qaaday, iyada oo goob joogayaasha ay sheegeen in ay arkeen dab cirka isku shareerary.Dukaanka la weeraray aya waxaa leh muslin, sidoo kale qof ku sugnaa masaajid la weeraray ayaa sheegay in la jajabiyay muraayadaha masaajidka.
Rabshadaan ayaa bilawday maalmo ka hor , kadib markii sida la sheegay koox Muslin ah ay dileen nin Budhiista ah isbuuc ka hor.Sidoo kale koox mayal adag oo Budhiistaha ayaa ku eedeysay Muslimiinta in ay diinta dadka xoog uga saaraan ,burburina ku hayaan goobaha taariikhi ah oo ay leeyihiin Budhistaha.
Waddanka Srilanka ayaa ah jaziirad ku taalla qaarada Asia, waxaana inta badan dadku heystaan diinta Budhiistaha, oo ay heystaan tiro gaareeysa 70%, halka Muslimiintuna ka yihiin 10% inta kalena waxay kala heystaan Hinduga iyo Christianityga.