Ra-iisulwasaraaha Itoobiya oo si khaldan loo xigtay

1051

Dawladda Itoobiya ayaa dafirtay in dhammaan maxaabiista la siideeyn doono,taa badalkeedana kuwa qaar ee xiran la caffin doono.

Gacanyare  ra-sulwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in  turjumaad khaldantay awgeed ay  keentay in loo qaato in dhammaan maxaabiista la caffin doono oo xabsiyada lag siideeyn doono.

Ra-sulwasaaraha waxa sidoo kale uu sheegay in xabsi weyn kaas oo dad badan ku tilmaameen meel dadka lagu ciqaabo, iyadana la xiri doono.

Itoobiya ayaa waxaa ku dhaftay mowjado xasilooni la,aan siyaaasadeed taas oo keentay in waddanka la galiyo xaalad degdeg ah.

Hey’ada xuquuda aadanaha ayaa soo dhaweysay in al xiro xabsiga Maekelawi, oo ay sheegaty in ay dhammeyn doonto waayo caburin siyaasadeed,laakiinse waxay ka digtay in taasi aysan qarin  danbiyadii bini-aadaminio ee lagu galay intii xabsiga uu furnaa.

Itoobiya ayaa marar badan beenisay in ay jiraan maxaabiis siyaasadeed oo u xiran, wallow lagu eedeeyay.Tanna waxay caddeyn u noqon doonto eedahaas.