
Muqdisho (UM) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta, iyada oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, oo uu ku jiro wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad. Sababta safarka ayaa ilaa iyo hadda ah mid ka qarsan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisal wasaraaha ayay diyaarad gaar ah ka qaaday garoonka diyaaraha ee Muqdisho, isaga oo halkaas kula kulmi doona hoggaanka dowladda Imaaraadka Carabta.
Ra’iisal wasaarahu kuma khaldana in uu booqdo waddan kale si uu sare ugu qaado xiriirka diblomaasiyadeed oo faa’iido u ah dadka Soomaaliyeed, laakiin-se waa uu ku khaldanyahay in uu dib ugu noqdo la macaalimka waddan isku dayay in si nidaamsan oo awood sheegad ah u wiiqo xukuumadiisa, Soomaaliyana ku celiyo xaaladii kala dambeyn la’aanta iyo kala qaybsanaanta ahayd.
Waa xaqiiq in Imaaraadku uu maalgaliyay, haddana wali sii maalgaliyo qaswadayaasha horumarka Soomaaliya. Sidoo kale waa xaqiiqo aad u xanuun badan in Imaaraadku uu la shaqeeyo dowlad Goboleedyada si uu u abuuro kala qaybsanaan dib ugu celisa waddanka maalmihii madoobaa. Kaliya Imaaraadku kuma ekaan kulamadii madaxda maamul Goboleedyada ay ku yeesheen Imaaraadka si ay u fashiliyaan dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Ee Imaaraadku wali dhaawicii waa sii damqinayaan, iyaga oo maalgashi ay marinayaan shirkadda DP World oo qayb ahaan ay leedahay dowlada Imaaraadku ku sameeynaya dekaddaha gobollada. iyada oo aysan jirin wax fasax ah oo laga qaadanayo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ujeedka looga danleeyahay ayaa ah kala qaybinta ummadda Soomaaliyeed. Tani waa dibindaabyeeyn danaha dadka Soomaaliyeed, ama ah nuuc ah argagixiso siyaasadeed iyo mid dhaqaale, taas oo dib ugu noqon karta waddamada sida Imaaraadka oo kale oo qoys tiraya maamullaan.
Soomaalidu waxay ku faanayaan sida dowladoodu isku hor taagtay daandaansiga Imaaraadka oo ay ugu qaadatay go’aanka dhexdhexaadnimada qadiyada Khaliijka. Madaxweyne Farmaajo ayaa qaatay go’aan xushmad mudan isaga oo ka ilaaliyay waddanka uu ku lugyeesho arrin khatarteeda leh, taasna waxay keentay qadarin iyo xiriiro cusub oo ay yeelato Soomaaliya.
Halka Sucuudiga iyo Qadar ay xushmeeyeen go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladda Imaaraadku waxay sii wadday daandaansiga iyo dhibaateeynta dowlada cusub ee Soomaaliya. Iyada oo intaas oo xadgudub siyaasadeed iyo mid dibloomaasiyadeed sameysay, ayuu haddana R/wasaare Kheyre u degdegay safarka Imaaraadka sidii in aysan wax dhicin oo kale, si uu ula kulmo kuwii isku dayay in ay bahdilaan oo wiiqaan Soomaaliya.
Tani waa gaf weyn oo dhaawacaya karaamada iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxay hoos u dhigeysaa heerka dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya ay waddamada adduunka dhexdooda ku leedahay.
Wali ma cadda dhinaca codsaday kulanka, laakiin si kasta ha ahatee ma ahayn in dowladda Soomaaliyeed ay ku degdegto dib u xaajoodka heerkaan sare gaarsiisan oo ay la yeelato Imaaraadka.
Haddii Imaaraadku ay diyaar u yihiin inay dib ula macaamisho Soomaaliya oo ay raaligalin ka bixiso isku daygeedi ku xadgudubka madaxbannaanida Soomaaliya, waxay aheyd in taasi noqoto mid heer wasiir ah. Heerkaan waa in la qeexaa qaabka uu noqonayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka. Intaa kaddib haddii la isku raaco, oo Imaaraadku raali galin ka bixiyo ku xadgudubkii madaxbannaanida Soomaaliya ,Ra’iisal wasaaraha waxaa u furnaan laheyd booqasho heer sare ah.
Hadda iyada oo aysan jirin wax go’aan oo la xiriira arrintan ama ajanda cad ayay Ra’iisal wasaaruhu iyo Golihiisa wasiirada u baxeen safar iyaga oo khasaarinaya waqti muhiim ah oo loo baahnaa in lagu bixiyo isbeddello waddanka gudihiisa ka socda, intii ay ku bixin lahaayeen madaxda Imaaraadka oo aan haba yaraatee wax xushmad ah u heyn iyaga iyo waddanka ay matalaan.
Habka dibloomaasiyadeed ee Imaaraadku waa mid sahlan oo ku dhisan iibsashada dadka dhaliilsan, iyo sidoo kale bixinta qarash badan si saameeyn loo yeesho. Ra’iisal wasaraaha Soomaaliya waa in uu ogaadaa dhammaan ballamada kaalmo Maaliyadeed xilligaan si kasta oo ay run u yihiin, ay noqonayaan wax aan qiimo laheyn, haddiiba Soomaaliya aysan qiimo ku laheyn dadkeeda iyo caalamkaba.
Mudane Ra’iisal wasaare ha sharaf dilin Soomaaliya. Adiga oo aan la soo noqon wax aan aheyn raali galin ka timid dowladda Imaaraadka xadgudubkii bareerka ahaa eey kula kaceen Qaranamidda iyo Karaamada Ummaddeena, waa in aadan yeelin wax kale ay naga codsadaan ka hor ilaa ay aqbalaan inaan nahay laba qaran oo siman. Intaa wixii ka soo hara, waa u bahdilaad iyo magac xummo Soomaaliya.