R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo Geeriyooday

621
Xasan Abshir Faarax waa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, waxaa ku geeriyooday dalka Turkiga 12. 07.2020.

Muqdisho – Allaha U Naxaristee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax, ayaa maanta ku geeriyooday magalaada Ankara ee dalka Turkiga.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga, Jaamac Cabdullaahi Maxamed, ayaa u xaqiijiyay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore.

AUN Ra’iisul Wasaare Xasan Abshir Faarax oo 75 sanno jir ahaa ayaa la sheegay inuu dhawaanahaan xanuunsanayay.

Xasan Abshir Faarax ayaa Ra’iisul Wasaare ka soo noqday dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xasan intii dhexesay 2001- 2003-dii. Waxa kale uu noqday soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Madaxda Qaranka ayaa ka tacsiyay geerida Ra’iisul Wasaare Xasan Abshir.