R/Wasaare Rooble oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

597

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xaafiiska ku qaabilay ergeyga gaar ah ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya Dajire James Swan.

Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobeey ee Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka uu la yeeshay dhawaan Ra’iisul wasaare Rooble ay uga wadahadleen arrimaha mudnaanta kowaad led, sida maamul wanaaga, arrimaha bini aadanimada, amniga, nabad dhisida iyo horumarinta dhaqaalaha.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha Doorashooyinka dalka ee ka filayo in ay dalka ka dhacaan. Waxaa sidoo looga hadlay wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

https://www.facebook.com/501491853239294/posts/3444714702250313/