R/Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Safiirada caalamka u fadhiya Soomaaliya

97

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Kulanka ayaa intii uu socday lagu waddagay tallooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay sii-hayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo siihayaha Wasiirka Arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad.

Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisul Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumaddiisa, waxayna ammaaneen arrimaha mudnaanta u leh Ra’iisul Wasaaraha Rooble ee Amniga, Doorashooyinka iyo dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay si ramsi ah xafiiskiia ula wareegay kaddib markii 23kii bishaan September ay codka kalsoonida siiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

SHARE