Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka.
Guddiyada arrimaha Doorashooyinka ee uu maanta Ra’iisul Wasaare la kulmay ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada iyo habka wadashaqeynta Guddiyada.
“Waxaan maanta la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka oo aan kala hadlay arrimo khuseeya geeddi socodka, hirgelinta iyo hufnaanta doorashada, habka soo xulista ergooyinka, kaalinta dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, wadashaqeynta guddiyada dhexdooda, qoondada haweenka, dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qodobbo kale oo doorashada khuseeya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare.
Ra’iisul Wasaare ayaa ku boorriyay Guddiyada in ay si dhaqso ah u bilaabaam wajiga labaad ee doorashada oo ah doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, ayna doorashadu noqoto mid hufan oo ka maran qof jecleysi.