Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xaafiskiisa kulan kula yeeshay safiirada beesha caalamka Soomaaliya u joogaa.
Kulankaan uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Rooble looga haddlay dardargellinga arrimaha Doorashooyinka dalka iyo dhamaystirka Dastuurka ku meel gaarka ah.
Shirka ayaa lagu soo boggaadiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka ah fulinta qodobadii kasoo baxay shirkii Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagu heshiiyey in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ku dhaca waqtigooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirka ka sheegay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa fulinta qodobadii lagu heshiiyey ee ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho xasilloon, isla markaana ay si caadi ah u socon doonaan howlaha dowladda xiliyada doorashada.
Dhankooda, safiirada beesha caalamka ayaa sheegay in ay taageersan yihiin hannnaanka hadda wax ku socdaan iyagoo ku booriyay Ra’iisul wasaaraha in la sii dardargelliyo sidii ay dalka uga dhici lahaayeen doorasho heshiis lagu wadda yahay oo waqtigooda ku dhaca.