R/Wasaare Rooble oo kulan degdeg ah la qaatay Maamulka Gobolka Banaadir

52

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Maamulka Gobolka Banaadir oo ugu horreeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish.

Kulanka oo ka dhacay xaafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa looga hadlay dardargellinta howlaha Caasimadda gaar ahaan billic soo celinta magaalada, nadaafada iyo biyaha yaalla waddooyinka muhiimka ah magaalada Muqdisho.

“Guddoonka Gobolka Banaadir ayaan ku boorriyay in dadka canshuurta bixiya ee gobolkan ku nool ay helaan adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.
hayaan la qaatay masuuliyiinta ugu sarreysa Maamulka Gobolka Banaadir”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay cabasho ka taaganayd biyaha roobabkii ka da’day magaalada Muqdisho ay waddooyinka dhigeen taasi oo maamulka Gobolka Banaadir wax ka qaban waayeen.

SHARE