R/Wasaare Rooble oo booqday Xarunta Xannaanada Carruurta Agoonta Booliska ee Muqdisho

857

Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday Xarunta Xannaanada Caruurta Agoonta ee Booliska ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa halkaas waqti kula qaatay carruurta agoonta Booliska Soomaaliyeed isagoo u guur galiyay xaaladooda nolaleed iyo duriufaha ay ku nool yihiin.

“Waxaan ku boorrinayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay caawiyaan carruurta agoonta ah meel walba oo ay joogaan, kuwani kuma sii jiraan oo waaliddiintoodii waxay u dhinteen difaaca dalka. Dowladdu waxay xil gaar ah iska saari doontaa daryeelkooda”. Ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare Rooble qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.