R/Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo shir uga socdo Muqdisho

282

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda shir kula leh Hotel Decale ee magaalada Muqdisho xubnaha Midowga Musharaxiinta.

Shirkaan ayaa daba socda si loo dhameystiro heshiiskii 25kii Febraayo ee Xukuumadda iyo Midowga Musharaxiinta ay kala saxiixdeen.

Shirka oo qado ku bilaawday ayaa hadda u socda Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharraxiinta.

“Xukuumaddu wax ay dadaal dheeri ah ku bixinaysaa sidii ay ula fariisan laheyd cid walba oo ka aragti duwan si dalka uu doorasho u gal” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Federaalka.

Shirkaan u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Midowga Murashaxiintu ayaa la filayaa in marka uu soo gabagabo laga soo saaro War-Murtiyeed.

SHARE