R/Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo xarigga Ka jaray Fagaaraha Midnimada

600

Muqdisho – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta xariga ka jaray fagaaraha Midnimada oo laga hir geliyay xaruntii hore ee Baarlamaanka oo ah xaruntii midnimada Koonfur iyo Waqooyi ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo guul taariikhi ah ku tilmaamay xarig jarka ayaa sheegay in fagaarahan oo astaan u ah midnimada Goboladda Waqooyi iyo Koonfur uu noqon doono meel dadweynuhu ku nastaan oo dhallinyaradu ka ogaadaan midnimada iyo dadaalkii loo soo maray.

Jardiino laga dhisay xaruntaan oo sidoo kale loo yaqaan Ex- Baarlamaan oo dhinaca ku haysa taallada daljirka Daahsoon ayaa lagu xardhay sida magaalooyinka Waqooyi iyo Koonfur loo mataaneeyay xilligii ay ay midoobeen goballada waqooyi iyo Koonfur sanadkii 1960-kii.

Waxaa sidoo kale la suray tabbeelayaal ay ku qoran yihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, Baydhabo iyo Ceerigaabo iyo Baraawe iyo Berbara.