R/Wasaare Kheyre: Waa sharci darro heshiiska Shirka DP World ee Dekadda Berbera

1074

Muqdisho (UM) –  Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib boqosho dhawr maalmood ah oo ugu maqnaa dalka Imaaraadka ayaa sheegay in heshiiska Shirkadda DP World ay la gashay Soomaaliland uu yahay mid sharci darro ah.

R/Wasaare Xasan Cali Kheyre oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho galabta ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn, aana lagala hadlin heshiiskaasi. Waxa uu sheegay Ra’iisal wasaaraha in mowqifka Xukuumadda uu yahay war saxaafadeedkii ay soo saartay Wasaaradda Dekkadaha, Gaadiidka  iyo Baddda maanta kaasi oo ay ku sheegtay in aysan aqoonsanayn sharci ahaanshaha heshiiskaasi.

R/Wasaare Kheyre waxa uu sheegay in heshiis kasta oo masiir ah oo la galayo ay u igman tahay oo kaliya dowladda federaalka Soomaaliya, ansixintiisana uu igman yahay oo kaliya Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

R/Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddiisa ay soo dhaweynayso shirkad kasta oo dunida ah oo doonayso in ay dalka maalgashi ka samayso laakiin looga baahan yahay in ay soo maraan hay’addaha dastuuriga ah ee dalka.

Shirkadda DP World ee ay leedahay dowladda Imaaraadka ayaa shalay magaaada Abu Dhabi waxa ay  kula saxiixatay heshiis ku saabsan in ay maamulayso dakedda Berbera Maamulka Soomaaliland, iyada oo yeelanaysa saami dhan boqolkiiba 51%, halka Soomaaliland ay yeelanayso 30% iyo Itoobiya oo yeelanaysa 19% boqolkiiba.