R/Wasaare kheyre oo xalay la kulmay Guddoomiye Mursal

378

Muqdisho (UM) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa xalay kulan albaabadu u xiran yahay kula yeeshay magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ra’iisul Wasaare kheyre iyo Guddoomiye Mursal oo kulankoodu ka dhacay wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa la sheegay in kulankooda ay uga hadleen xaaladada siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo sidii xal loogu heli lahaa is afgara waaga jira.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka wadahadlay dar-dargelinta wadashaqaynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda, iyadoo aysan faahfaahin kale ka soo bixin waxyabaha kale ay kulankooda uga hadleen.

Khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo ayaan wali xal rasmi ah laga gaarin.

SHARE