Muqdisho (UM) – Dib u soo noqoshadii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali kheyre ee dalka Imaaaraadka halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah ayaa waxaa ka dhashay muran badan. Murankaas waxaa sabab u ah ka fiirsasho iyo qorshe la’aanta siyaasadeed Ra’iisal wasaaraha.
Xitaa ka hor inta aysan diyaaradiisa soo cagadhigan Muqdisho, waxay shirkadda DP world ee dekadaha oo ay qayb ahaan leedahay dowladda Imaaraadka heshiis ku saabsan wadaagida dakhliga iyo maamulka dekadda Berbera la gashay Somaliland iyo Itoobiya.
Xilligaan xasaasiga ah oo uu dhacay heshiiska ayaa abuuray aragti ah in Ra’iisal wasaaruhu uu qayb ka yahay waxyaabaha dhan oo socda. Laakiin-se shir degdeg ah oo u muuqday isdifaacis ayaa Ra’iisal wasaaruhu waxa uu ku garab istaagay warkii ay soo saartay Wasaaradda dekadaha, Gaadiidka iyo Badda ee Xukuumadda Federaalka oo lagu buriyay heshiiska, sababo la xiriira in heshiiska aanu aheyn mid ku dhisan wax sharci ah.
Sida uu qabo heshiiska dekadda Berbera oo u dhaxeeya Somaliland oo wali ka mid ah Soomaaliya marka la eego sharciga caalamiga ah , DP world iyo Itoobiya, ayaa mid walba waxa uu helayaa saami gaar ah. DP world waxay heli dontaa 51%, Somaliland waxay heleysaa 30%, halka Itoobiyana ay heli doonto 19%. Haddii si caqliyeysan loo eego maalgashigaan khatarta badan waxa uu noqonayaa mid sharci darro ku dhisan, marka la eego xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo jilicsanaanta dalka.
Iyada oo wali xaalad xasaasi ah jirto oo Ra’iisalwasaraaha marti u yahay ayay shirkad qayb ahaan ay leeyihiin oo ay xukumaan Imaaraadku faraha la gashay arrimaha gudaha Soomaaliya oo heshiiska ku soo dartay waddan daris ah oo ay Soomaalidu shaki badan ka qabto. Sidaani waa sharci darro lamana aqbali karo, kuwa ka qayb qaatayna waa ogyihiin. Haddaba iyaga oo sidaa og maxay u saxiixeen. Ma in ay xasilooni darro ka abuuraan Soomaaliyaa?
Halkii uu dalka kula soo noqon lahaa raali-galin uu ka sido Imaaraadka xadgudubyadii hore oo ay ku xadgudbeen madaxbannaanida Soomaaliya darteed , ayuu dib usoo noqday Ra’iisal wasaaraha si uu u wajaho muran u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka aan la aqoonsan ee Somaliland oo u arka heshiiska Berbera tallaabo sharciyeyneysa madaxbanaanidooda oo ay qaadeen labo dowladood iyo maalgashato caalami ah.
Ra’iisal wasaare Kheyre waa uu ku saxanyahay in uu ka digo heshiiska sharci-darrada ah ee dekadda Berbera,balse waxa uu noqon lahaa mid aan xishoon oo awood muujiya haddii uusan soo qaadan laheyn saacado kooban oo soo dhaweeynta dowladda Imaaraadka ah oo dhacday wax yar ka hor inta aan la shaacinin heshiiska.
Soo dhaweyntaan ayaa noqotay sun dowladda Imaaraadku iyada oo usii marineysa DP world iyo Itoobiya ay ku durto Soomaalida si ay usii kala qaybiso oo uga macaashto kala fogaynta Soomaaliya. Nasiib wanaag , dadka Soomaaliyeed oo qabka leh waa ay garteen dhagartaan xun meelna waa uga soo wada jeesteen.
Garyaqaan dhanka maalgashiga caalamiga ah ayaa ummada Media ugu sir warramay in heshiiska dekadda Berbera uu yahay waxba kama jiraan maadaaama uu jabiyay madaxbannaanida Soomaaliya.Tani waxay sidoo kale su’aalo ka keenee hab anshaxeedka shirkadeed ee DP world , taas oo ku caanbaxay masuuliyad darro.Waxay aheyd in masuuliyadu tusto waaba haddii ay jirtee in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya oo aysan ka madax-bannaaneyn sida madaxda Somaliland ay ka dhigayaan. Haddii ay xitaa jirto dano dhaqaale oo dhab ah oo ay leeyhiin DP world iyo Itoobiya waxay aheyd in ay fasax weydiistaan dowladda federaalka Soomaaliya sida uu dhigayo dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
Sheekadaan dekadda Berbera waxay bannaanka keentay sida Imaaraadka iyo Itoobiya aysan u ixtiraameyn madaxbanaanida gayi ee Soomaaliya. Labaduba waa ogyihiin saameeynta siyaasadeed ee heshiiska, haddana waa sii wateen si ay khalalaase uga abuuraan Soomaaliya iyaga oo dadkeeda iska horkeenaya.
Marka dhinac la iska dhigo qaylada Ra’iisal wasaaraha uu ka qaylinayo heshiiska sharci-darrada ah ee dekadda Berbera, kadib booqashadiisii. Ra’iisal wasaaraha waa in uu kala shaqeeyaa wasaarada arrimaha dibadda sidii dib u eegis ay ugu sameeyn laheyd xiriirka Soomaaliya ee Itoobiya iyo Imaaraadka. Sidoo kale waa in uu qadariyaa wasaarada arrimaha dibadda oo dhageystaa taladooda waaya-aragnimo safaradiisa mustaqbalka, intii uu magac dili lahaa sharafta Soomaaliya qabkiisa awgiis.
Walaaca ugu weyn ee heshiiska Berbera ayaa ah in uu noqon karo qorshe istraatiijiyadeed oo Itoobiya iyo Imaaraadku ku doonayaan in ay ku carqaladeeyaan wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland ee lagu wado dhawaan in lagu qabto dalka Turkiga. Si ka duwan sida Itoobiya iyo Imaaraadka,Turkigu waxay muujiyeen faham siyaasadeed iyo qaangaarnimo ku aadan Soomaaliya iyo Soomaaliland, waxay dhiirigalinayaan wadahadal,halkii ay jiri laheyd ismari waa aan micno u dhisneyn oo u dhaxeeya dad walaalo ah. Sidaan ayaa ah sida saaxiibka kaa waalacsan ee niyada fiican uu sameeyo.
Heshiiska DP world , Itoobiya iyo Somaliland ee dekadda Berbera waa in aan la ogolaan uu noqdaa hal bacaad lagu lisay iyo alif macalin tiray. Waa sharci darro,kala qaybniya ummadda lamana aqbali karo. Ra’iisal wasaaraha ayaa ku ammaanan inuu taageeray go’aankii wasaarada dekadaha ay waxba kama jiraan uga dhigtay heshiiska, laakiin wali intaas kuma filna.
Marka la eego booqashadiisa xilliga aan loo baahneeyn ee Imaaraadka waxay dad badani shaki ka muujinayaan mowqifka Ra’iisal wasaaraha. Sidaa awgeed waa in dowlada federaalka Somaaliya ay isku daydaa in ay Somaliland kala hadasho dardargalinta wadahadalka si loo gaaro heshiis siyaasadeed mideeya ummadda iyo qarankaba. Qaabkaan ayaa ah qaabka la iskaga difaaco qaswadayaal oo dhan, nabadna loogu noolaado, wadajirna loogu gaaro.