Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay maagalada Geneva ee dalka Switzerland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb gali doonaa kulamo looga hadlayo arrinmaha shaqo la’aanta dhallinyarada iyo haweenka. Waxaa uu sidoo kale hadal ka jeedin doonaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka.
Ra'iisul Wasaare @HassanAKhaire ayaa maanta u ambabaxay Geneva, Switzerland. Waxa uu ka qeyb gali doonaa kulamo looga hadlayo arrinmaha shaqo la'aanta dhallinyarada iyo haweenka, sidoo kale waxa uu hadal ka jeedin doonaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka.#nabadiyonolol
— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) March 3, 2019
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya labo maalin kaddib qaraxyo iyo weeraro Al-Shabaab ka geysatay maagaladda Muqdisho kuwaasi oo ugu yaraa 25 qof ka badan ay ku dhinteen tira kale oo badan ku dhaawacmeen.