R/Wasaare kheyre oo u ambabaxay Sacuudiga

100

Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofay Boqortooyada Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa la sheegay inuu casuumaad rasmi ah ka helay Boqortooyada Sacuudiga, waxaan garoonka Muqdisho ka qaadi doonto diyaarad gaar ah oo Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay.

Lama booqashada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre waxa ay ku saabsan tahay balse warar ku dhaw xaafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegaya inuu la kulmi doono Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa khilaafka diblomaasiyadeed ee sanadkii hore ka dhexdhashay Sacuudiga, Imaraadka oo dhinac ah iyo Qatar ka qaadatay go’aan dhexdhexaadnimo ah.

SHARE