Muqdisho ( UM) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambaxay magaalada Doxa ee dalka Qatar.
Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa la sheegay inuu casuumaad rasmi ah ka helay Amirka dalka Qatar iyadoo la filayo inuu kulmo Amiirka iyo mas’uuliyiin kale ee dowladda Qatar oo ay ka wada hadli doonan adkaynta xiriir labada dal, iskaashiga iyo maalgashiga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la filayaa inuu magaalada Doxa uga qeybgalo shirka Madashada sanadlaha ah ee magaalada Doxa.
Safarka Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa imanaya iyadoo dalka uu ka jiro xaalado siyaasadeed oo ka dhashay mooshinka xilka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.