Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta, booqasho rasmi ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya @HassanAKhaire iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta, booqasho rasmi ah ugu ambabaxay Nairobi. Ra'iisul Wasaaraha ayaa la kulami doona madaxweynaha Kenya, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka labada dal
— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) January 28, 2019
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulami doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka labada dal.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa u dhaxeeya muran ku saabsan xudeed baddeedka Soomaaliya oo dacwadeeda ay ka socoto maxkamadda caalamuga ah ee Caddaaladda we magaalada Hauge ee dalka Netherlands.