R/Wasaare kheyre oo si rasmi ah u furay shirka ururka iskaashiga islaamka

418

Muqdisho (UM) – Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka ayaa si rasmi uga furmay maanta magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa si rasmi ah u furmay shirka, isagoo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa sheegay in shirkaan lagu qabto Soomaaliya ay marqaati u tahay isbeddelka ka socda dalka.

Sanad iyo barkii ugu dambeeyay ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya aya dadaal ugu jirtay in ay dib ula tacamusho waddamada jaarka, Gobolka iyo caalamka.

Shirkaan oo hal maalin ah oo la filayo in maanta la soo gabagabeeyo galabta ayaa looga hadlayaa arrimaha amniga iyo taageerada dhanka dhaqaalaha iyo dib heshiisiinta Soomaaliya.

Shirkaan ayaa ah kii ugu horreyay oo lagu qabto Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

SHARE