R/Wasaare Kheyre oo shir Gudoomiyay kulan looga hadlay dhibaatada fatahaada wabiga Shabeelle

692

Muqdisho (UM) – R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan deg deg ah oo looga hadlayay dhibaatada fatahaada wabiga Shabeelle la yeeshay danjirayaasha dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya iyo Hay’addaha caalamiga ah ee arrimaha gargaarka iyo baniaadanimada ka shaqeeyay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kulan ku saabsan xaaladada ka taagan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa  kula yeeshay xaafiiskiisa Golaha Wasiiradda, Hay’adaha samafalka iyo gargaarka ka shaqeeyay.

R/Wasaaraha ayaa sheegay in ay kala hadleen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen gurmadka dadka ay sameeyeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabelle.

Ra’iisal wasaahara ayaa sheegay in xaalado adag ay ku sugan yihiin dadka ay samaynta xoogan ku yeesheen fataahada uu sameeyay Wabiga Shabelle iyo daadad ka dhashay sidoo kale roobab xoogan oo ka da’ay Gobolka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ka jira xaalado adag oo ka dhashay daadadka roobka iyo fatahaada wabiga Shabeelle oo ku fahatahay magaalada inteeda badan.

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ka jira xaalado adag oo ka dhashay saamaynta fatahaada wabiga iyo roobabka.