R/Wasaare Kheyre oo Muqdisho kula kulmay danjirayaasha Midowga Yurub ee Soomaaliya

586

Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kula kulmay magaalada Muqdisho danjirayaasha dalalka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirada dalalka Midowga Yurub ayaa looga hadlay taageerada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, dhinacyada ay dowladdu horumarka ka samaysay.

Waxaa kulanka ka qeybgalay safiiradada dalalka Talyaaniga, Faransiiska, Swiidhan, Netherlands, Spain, Jarmalka, Australia, Biljam, Denmark,Ireland,UK iyo Finland.

Kulanka ayaa sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa, wasiirada Qorsheynta Qaranka iyo arrimaha dibadda.