R/Wasaare Kheyre oo Mareykanka u safray

662

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya (Xasan Cali Khayre ayaa xalay ka dhoofay garoonka diyaaraha Aden Abdulle ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jedaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Washington ayaa ujeedadiisu tahay inuu ka qeybgalo shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee (IMF).

Shirkaan oo sanadkasta la qabto ayaa diirada lagu saarayaa horumarrada Maaliyadeed, caqabadaha iyo wixii ka hir galay qorshayaashii maaliyadeed. Waxaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimaha deyn cafiska Soomaaliya iyo halka ay marayaan.

Kheyre ayaa sido kale la filayaa inta uu ku sugan yahaya Washington inuu kulamo la yeesho madaxda Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa lacagta Adduunka ee IMF.

Waxaa horey u joogay maagalada Washington wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi.