R/Wasaare kheyre oo magacaabay wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta

471
Cabdi Aadan Hoosow oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Soomaaliya. Sawirka: Google

Muqdisho (UM) – Wareegto ka soo baxday xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta loo magacaabay Cabdi Aadan Hoosow.

Wareegtada Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka soo baxday ayaa waxaa telefishinka Qaranka ka akhriyay wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Aadan Isaak.

Wasiirka cusub ee saaka lo magacaabay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow ayaa timid kaddib markii shalay uu iska casilay xilkaas Cabdifitaax Ibraahim Geesey sababo uu ku sheegay faragelin dowladda Dhexe ku samaysay siyaasadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta loo magacaabay ayaa horrey u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Bay.

SHARE