R/Wasaare Kheyre oo la kulmay Wasiiru dowlaha UK ee arrimaha Afrika

60

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Muqdisho kila kulmay wasiiru dowlaha arrimaha dowladda UK u qaabishan arrimaha Afrika, Andrew Stephenson.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Andrew Stephenson ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada labada dal, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dowladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada iyo is-garab istaagga dowladda Britain ee Soomaaliya.

Andrew Stephenson ayaa sheegay in dowladda Uk ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Britain ayaa mid ah dalalka saaxiibka dhaw la ah sidoo kale dhanka ciidanka iyo dib habaybta dhaqaalaha ka taageera Soomaaliya.

SHARE