R/Wasaare Kheyre oo la kulmay dhiggiisa dalka Itoobiya

981

Ra’iisal Wasaaraha Xukumaadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo boqosho rasmi ku jooga magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, ayaa la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo dhiggiisa dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labad geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa boqasho rasmi ku jooga dalka Itoobiya kaddib casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa dalka Itoobiya.