Muqdisho (UM) – Ra’iisal wasaraaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta koormeer ku tagay wasaaradda Maaliyadda si ugu kuur galo hawlaha shaqada wasaaradda.
R/Wasaare Kheyre ayaa la kulmay Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo hawlwadeenna wasaaradda isagoo kala hadlay hannaanka canshuur uruurinta iyo kicinta dakhliga gudaha. Ra’iisal wasaaraha ayaa boggaadiyay sida hufnaanta iyo hannaanka hirgelinta canshuuraha u socdaan.
Paid working visit to @MofSomalia and was impressed by their progress in revenue collection, Tax education and Private Sector engagement. @DrBeileh #NabadiyoNolol pic.twitter.com/jumpQ2eErM
— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) February 4, 2018
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 1dii bishaan Febraayo waxaa ay ku soo rogtay oo toos u hirgelisay qaadida canshuurta laga qaado xarumaha ganacsiga gaar ahaan Hoteelada iyo Maqaayadaha ee loo yaqaan Value Added Tax (VAT).