Muqdisho ( UM) – Ra’iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagay dugsiga Hoose/ Dhexe ee Jabuuti oo ka mid ah dugsiyada dhawaan ay la soo wareegtay maamulkooda wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
Boqashada waxaa Ra’iisul Wasaare Kheyre ku wehelinayay wasiiru dowlaha waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ardeyda iskuulka u qeybiyay buuggaagta ay ku qoran yihiin manhajka cusub ee ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada.
Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada dalka.
“Dowladda federaalka waxaa ka go’an inay horumariso waxbarashada dalka waxaan idin ku dhiiri gelinaya inaad wax bartan”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Ardeyda Iskuulka la hadlay.
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa dhawaan maamulkooda la soo wareegtay 24 Iskuul oo isugu jira Hoose iyo Dhexe iyadoo Wasaaradda waxbarashada aybilowday qeybinta buuggaagta manhajka cusub.