Muqdisho (UM) – Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho kulan ku saabsan gorfeynta qorshaha Tubta Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka ee 2 sanno ee soo socota.
Waxaan maanta guda galnay gebogabeynta qorshayaasha Tubta Arrimaha Bulshada labada sano ee soo socota. Qorshe howleed cad ayey soo bandhigeen wasaaradaha Tubtan ku mideeysan. Waxaan bogaadinayaa wasaaradda waxbarashada oo hab elektaroonik ah u bedeleysa adeegyada wasaaradda pic.twitter.com/bL6FmHQjnk
— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) January 9, 2019
Shirkaan oo uu shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa looga doodday qorshe hawleedka Wasaaradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee 2 sanno ee soo socota.
Wasaaradda dowladda qaar ayaa soo bandhigay shirka qorshe hawleedkooda Tubta Arrimaha Bulshada ku mideeysan Tubtaan. Wasaaradda waxbarashada ayaa soo banndhigtay barnaamij ay hab elektaroonik ah ugu beddeleysa adeegyada wasaaradda.
Qorshahaha Tubta Arrimaha Bulshada ayaa ah qorshe la doonayo in la isugu xiro qorshe hawleedka wasaaraddaha dowladda Federaalka ee 2 sanno ee soo socota.