R/Wasaare Kheyre oo ka qeybgalay shirka horumarinta arrimaha bulshada

61

Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalk Xassan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeybgalay shir ku saabsan arrimaha horumarinta Bulshada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa diirada lagu saaray tubta horumarinta arrimaha bulshada oo lagu qabtay Wasaaradda caafimaadka.

Kulankaan ay sidoo kale waxaa looga hadlay Qodobadii la soo wareegidda isbitaallada Banaadir iyo Martiini oo kamid ahaa halbeegyada Tubta.

Dowladda Soomaaliya Federaalka ayaa sheegtay in ay isbitaalladaan maamulkooda la soo wareegayso, oo ay socoto qorshayaashii ay si buuxda ugu la soo wareegi lahayd maamulkooda.

SHARE