R/Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Marka

688

Marka – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta gobalka Shabeellada Hoose iyo dadweyne kale ayaa ku soo dhaweeyay magaalada.

Magaalada Marko ee xarunta ganacsiga Koonfur Galbeed oo qeyb ka ah deegaannada ay dowladda Federaalka ka sameysay dib-u-heshiisiinta, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu kula hadlay dadweyne isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, waxa uuna uga mahad celiyay sida sharafta badan ee dowladnima jaceylku ku dheehanyahay ee ay u soo dhaweeyeen.

Ra’iisul Wasaare Kheyrr, ayaa sheegay in dowladda Xukuumadda Federaalka oo kaashaneysa madaxda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ka shaqeyneyso horumarka iyo daboolidda baahiyaha bulshada ee wax ka qabashada u baahan, waxa uuna ugu baaqay bulshada in magaalada ay ka dhigaan magaalo ganacsiga ku horumarsan oo soo jiidata indhaha maal gashadayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshad Marko ku nool ku ammaanay dhaqan-gelinta dib-u-heshiisiintii dowladdu ka hir gelisay, midnimada, iyo sida ay sugidda amniga uga wada qeyb qaateen, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaallada wadajirka iyo midnimada.