Muqdisho (UM) – Ra’iisul Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka maamulka Hirshabelle.
Ra’iisul Wasaare kheyre oo ay weliyaan xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaraha ee magaalada Jowhar waxa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hirshabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.
Madaxwaynaha Hirshabeelle ayaa dowladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicda uu Ra’iisul wasaaruhu dhagax-dhigay isaga oo sheegay in fulinta mashaariicdaan ay wax badan kusoo kordhinayso hannaanka geeddi socodka dhismaha hay’adaha kala duwan ee Hir-shabeelle.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska oo laga hirgeliyay magaalada Jowhar, taasi oo lagu bilaabi doono tababarka ciidanka Booliiska Hirshabeelle.