Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho dhawr maalmood ah oo uu ku tagay dalka Qatar.
Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxa uu la kulmay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Amiirka dalka Qatar iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulamo doceedyo la yeeshay wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Qatar, Turkey, Japan iyo Kenya, oo ka qeybgalayay madashada Doxa oo ah kulan sanadle ah halkaasi oo uu Ra’iisul Wasaaruhu hadal ka jeediyay.
Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Doxa kula kala saxiixday shan heshiis iyo Saddex is-afgarad oo ku saabsan arrimha maalgashiga, ganacsiga iyo kobcinta dhaqaallaha.
Wasiirada Qorsheynta Qaranka, maalgashiga iyo arrimaha dibadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay safarka.
Dowladda Qatar ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka taageerayso dhismaha dekedaha wayn ee Hobyo ee Gobolka Mudug iyo dhismaha waddooyinka isku xira Afgooye iyo Muqdishu iyo Jowhar.