Muqdisho (UM) – Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqasho ku tagay Xerada ciidanka ee Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa sheegay in u guurgalayay horumarka ay sameeyeen sanadkii la soo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka.
Waxaan booqday xerada Ciidanka Ballidoogle si aan usoo ogaado horumarka ay sameeyeen sannadkii lasoo dhaafay Ciidanka XDS – DANAB ee ku sugan halkaas. pic.twitter.com/jTCkXRKrRa
— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) May 31, 2018
Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxa booqasha ku wehlinayay Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga iyo abaanduullaha ciidanka Xoogga iyo saraakiil kale.